Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumda Soomaaliya ayaa kahadashay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhafay,  iyadoo dhanka kale ugu digtay dad lagu sheegay in ay donayaan boobka dhulka Wasaaradu leedahay.

Shirkan jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Agaasimaha Guud Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdulaahi  Xayir Ducaale ayaa waxa uu kaga warbixiyay waxqabadka tan iyo bishii February ee sanadkan, isagoo xusay inay ka midtahay dejinta siyaasadda warshadaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, sahminta warshadaha dowladda ee ku yaalla caasimadda difaacidda dhulkii warshadaha oo lagu hayo boobka iyo dajinta siyaasadda dhulkii lagu hagi lahaa, laguna maareyn lahaa dhulkii Warshadaha dowladda.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

“Madaxda Wasaaraddu waxa ay ka qeyb galeen shirar ka kala dhacay bishii April ee sanadkan dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo looga hadlayay tayada beecadaha dalka laga keenayo, waxay kaloo ka qeyb galeen shir looga hadlayay maalgeshiga Afrika oo bishii April lagu qabtay dalka Morocco, waxay ka qeyb galeen furitaanka carwada caalamiga ah ee Expro Milano ee dalka Talyaaniga, kaasi oo ahaa bishii May ee sanadkan” ayuu yiri Agaasimaha guud.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaancsiga iyo Warshaha ayaa hoosta ka xariiqay in bishii June ay kormeer indho indheyn ah ku tageen Warshadda dharka ee Balcad, kaasi oo ahaa mid ay ugu kuurgalayeen, isagoo intaa ku daray inay jiraan sharciyo ay meel mariyeen.

“Wasaaradda Ganacsiga waxay dib u habeen ku sameeysay sharciyo ay diyaarisay, kuwaasi oo kala ah, Sharciga maalgashiga shisheeye, Sharciga liisamada ganacsiga iyo Warshadaha iyo Sharciga sumadaha iyo calaamadaha” ayuu yiri Agaasimuhu oo hadalkiisa ku daray “Wasaraddu waxey casriyeesay liisamada  Ganacsiga iyo warshaddaha oo ay ka  dhigtay mdi casri ah [Computerized system], waxeyna diyaarisay ololaha hirgelinta liisamada oo dakhli badan lagu soo  xareynayey, waxaana iska kaashaday  Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidanka ilaalinta Canshuuraha iyo  Dhaqaalaha Booliska”..

Previous Post

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Next Post

Dhallinyarada oo laga codsaday in ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah dumarka

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Dhallinyarada oo laga codsaday in ka hortagaan xadgudubyada ka dhanka ah dumarka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In