Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 9, 2015
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hay’adaha dowladda uga digay in ay iska sameystaan warqado canshuurta lagu qaado oo aan loo marin hab sharci ah, isagoo xusay in ciddii lagu hela laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

“Waxbadan waxaan aragnaa in la iska garab maro tariifada dadka laga qaadayo, taas waxaa gooya Wasiirka Wasaaradaasi oo u gudbinaya golaha Wasiirada oo iyagu meel marinaya, marka Wasiir ama mas’uul kaligiis ma sameyn karo tariifo, sharcina ma nonoqneysa, waxaan ognahay in meelo badan lagu qaado lacago aan sharci ahayn, hadaba hadii ay dhacdo tariifo aan sharciga waafaqsaneyn laga qaadi doono ciddi lagu hela” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in hay’adaha dowladda looga baahanyahay inay akoono ka furtaan bankiga dhexe oo ah halka laga ogaan karo in daqligaasi uu yahay mid gacanta dowladda ku jirta.

“Cid lama ogolaan doono in uu jeebka ku rito lacaga canshuurta ee dadka laga qaadayo, lacagaasi dadka wax lagaga qaaday, waa in dadku loogu adeegaa oo aan lagu dhibin lacagaha uu ku rabay in shati uu goosto, mana ogolaaneyno in qofkasta oo Wasaaradda u shaqeeya in muwaadinka lagu dhibaateeyo, waxa ay xaq  u leeyihiin oo ah inay helaan adeegyada aas aasiga u ah bulshada, qofka sharci soo maranaya aan lagu xujeynin in lacago laaluush laga qaato”

Dowladda waxa ay ugu talagashay howlwadeenada hay’adaha dowladda in bulshada ay  u adeegaan ee ma ahan in dhibaato loo geysto oo laga qaato lacago laaluush ah, ciddii arrintaasi lagu helana waxa ay dhaawaceysa sharafkiisa, ciqaabna wuu ku muteysan karaa.

“Hay’adaha dowladda akoono kama furan karaan bankiyada sida gaarka ah loo leeyahay sida Dahabshiil iyo meelo kale, waa in la xoojiyaa bankiga dhexe, ciddii lagu hela in shirkad gaar ah ay akoono ka furato laga qaadi doono talaabo sharci ah, ciddii lagu hela waa fal dambiyadeed”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa milkiilayaasha Bajaajleyda ka howlgasha magalada Muqdisho ugu baaqay in ay u hogaansamaan sharciga iyo nidaamka,  si looga fogaado inay si sharci darro ah ku shaqeystaan.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka oo ka hadlayay cabasho ay qabaan wadayaasha bajaajka ayaa sheegay in marka hore looga baahanyahay inay ilaaliyaan sharciga oo ay ka digtoonaadaan inay si sharci darro ah ku shaqeystaan.

“Horta arrinta Wasaaradda gadiidka ayay u taalaa, waana hubaa in ay u sameysay sharciyo lagu hago, haddiise ay jirto cabasho ku aadan in lagu kordhiyay waxyaabo aan waajib ku lahayn, xaq ayay u leeyihiin, laakiin haddii aysan dacwoon oo aysan dhibkooda sheegan, dhibka wuu ku soconaya, iyagu ha bixiyeen oo kaliya waxa xaqa loogu leeyahay, oo ay iska ilaaliyaan inay si sharci darro ah ku shaqeystaan, waayo maalintii toban cusub ayaa magaalada soo galeysa, iyaga oo aan wadin sharciyadii ay ku shaqeyn lahaayeen”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa xusay in bulshada looga fadhiyo inay bixiyaan canshuurta xaqa loogu leeyahay, isla markaana ay ogaadaan in bixinta canshuurta ay qeyb ka qaadan karto horumarka dalka.

Halkan ka dhageyso

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/09/Xeer-Ilaaliyha-Guud-ee-Qaranka-.mp3

 

 

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

 

Previous Post

Madaxda Qaranka oo soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka

Next Post

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo sheegay inay diyaariyeen sharciyo badan

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In