Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay go’aankii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday ee ahaa in ay bilaabeyso howlihii diblomaasiyaddii ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykankan, iyadoo tani ay ka dambeysay markii 5-tii May ee sanadkan uu booqasho rasmi ah Muqdisho ku yimid Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John F. Kerry.

Related posts

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026

Madaxda Qaranka iyo shacabka waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka dowladda Mareykanka ay ugu jirto inay soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo qorshaha Mareykanku uu yahay in safaaradooda ay dib uga furtaan gudaha caasimadda, si ay ugu adeegaan gudaha dalka.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka ay qaadatay dowlada Mareykanka  ee ah in howlaha diblomaasiyadeed ay ka bilaabeyso caasimadda, taasi oo xoojin karta xiriirka labada dal, waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa qorshaha Madaxweyaha Mareykanka Barack Obama uu ku doonayo in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Next Post
Xeer ilaaliya guud ee Qaranka oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawirro)

Xeer Ilaaliyaha Guud “Hay’adaha dowladda sanquud lacageed kama furan karaan bankiyada gaarka loo leeyahay” Dhageyso

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In