Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, kaddib markii dib u eegis lagu sameeyay.
Kulan ay mudanayaasha baarlamanku maanta ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayeey ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, kaddib dib u eegis lagu sameeyay miisaamiyadda dowladda ee sanadkan.
Dib u eegista miisaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanaadka 2015-ka ย ayaa waxaa barlamaanka Soomaaliya u soo gudbiyey ย wasaradda Maaliyadda kadib markii uu dib u dhac ku yimid miisaniyadii ย 2015-ka oo ay horay u meel mareyeen golaha shacabka.
Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo kulankaย golaha shacabka ka hadlay ayaa sharaxayย dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dalkaย iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sameeyey miisaniyadda aysan saamayn doonin ย musharaadka ciidanka iyo shaqalahaย Rayidka dowladda.
Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim โFergeetiโย ayaaย tilmamay inย dib u eegista miisaniyadda lagu Sameeyay inta badan talooyinkii ay soo jeediyen xildhiabanadda barlaamaanku markii la horkeenay ย bishii hore.
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ย ayaa kula dar-daarmay guddiga Arrimaha bulshadda Barlamaanka Soomaaliyaย in ay baaritaano ku soo sameeyaan ย Tiraddaย macalimiinta ย wax ka dhiga dugsiyada dowladdaย sida ay codsatay ayuu yiri wasaaradda Maaliyadda.