Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo “SAWIRRO”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ku-xigeenkiisa, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa, odayaasha
dhaqanka, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Galkacyo kuwaasi oo uu mid mid u gacan qaaday.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026

Soo dhaweynta kaddib waxaa wafdiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“Aad iyo aad ayaan ugu farax sannahay inaan maanta kusoo dhaweyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si gaar ah ayey sharaf iyo qiimo weyn ugu leedahay Golaha wakiillada Puntland” ayuu yiri Mudane Saciid Xasan Shire Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka iyo shacabka Puntland sida ballaaran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in socdaalkan uu daba socdo safar uu sanadkan horaantiisa ku yimid Puntland ilamarkaana uusan Gaalkacyo horey u imaan.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyey munaasabad uu Madaxweynaha Puntland ku daah furayey sanduuqa hormarinta gobolka Mudug oo munaasabad daaha looga rogayey lagu qabtay
magaalada Gaalkacyo.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Previous Post

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Next Post

Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal “Sawirro”

Next Post
Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal “Sawirro”

Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal "Sawirro"

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

Shacabka Muqdisho oo bannaanbax lagu taageerayo horumarka Caasimadda isugu soo baxay

May 11, 2026
0

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay ku muujinayeen taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In