Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa abaal marino gudoonsiisay ehelada ciidamo Soomaaliyeed oo ku dhintay weerar 24-kii June-2015 lala beegsaday kolonyo ay la socdeen kooxda gar gaarka Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay ku dhinteen saddex askari halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.
Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya danjire Maxamed Axmed Cusman Al-xumaadi oo deeqda ku wareejiyay lacagta ayaa sheegay in ciidamada u dhintay difaacadda koxda gar gaarka ee Imaaraadka aan abaal kooda la gudi karin, balse ay tani qeyb ka tahay xusuusin ay u sameynayaan
“Ehelada ay ka dhinteen saddexda muwaadin waxaan guddoonsiinay 30-kun oo doolar, halka kuwa ku dhaawacmay eheladooda aan guddoonsiinay 15 kun doolar, waxaana dhaawacyada saddexdaasi ka mid ahaa Ilaalada kooxda gar gaarka loo qaaday dalka Imaaraadka”ayuu yiri danire Maxamed.
Safiirka ayaa xusay inaysan hakad gelin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen kuwa geeriyooday iyo kuwa dhaawac ahba, isagoo bogaadin u jeediyay ehelada wiilashii naftooda u huray inay ilaalo ka noqdaan kooxda gar gaarka ee Imaaraadka Carabta oo u gurmanaya walaalahood Soomaaliyeed.
Dowladda Imaaraadka ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inay soo celisay xoogaa wanaag ah oo ku saabsan ciidamada naftooda ku waayay ilaalinta kooxda gar gaarka ee Imaaraadka, ayna ku dadaalayaan sidii ay u xoojin lahaayeen gurmadka ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed.