Waxaa maanta lagu wadaa in Shirka wadatashiga Dowladda Federaalka soomaaliya iyo maamul goboleedyada wajigii sedexaad uu ka furmo magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha maamulka goboleedyada iyo madaxda Dowladda Soomaaliya.
Shirkani oo horey uga kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ayaa waxaa looga hadli doonaa sida qorshuhu uu yahay Hiigsiga 2016-ka, waxaana madaxda maamul goboleedyada, Raโisul Wasaaraha xubno ka tirsan labada gole, iyo madaxweynaha ay ku wada sugan yihiin magaaladaasi oo xalay ku hoyden.
Wejigii 1-aad ee Shirkaan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho February 6,ย 2015, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah oo laโisku af gartay.
Wejiga Labaad ee shirkaan ayaa isna ka dhacay magaalada Garoowe Sabtidiiย May 2, 2015, waxaana ka qeybgalay madaxda dowladda iyo maamul gobaleedyada dalka.
Maanta oo ay tahay 13-ka September ayuu shirkaan ka furmayaa magaalada Kismaayo, waan wejigii Sedaxaad, waxaana xigi doonta magaalada Baydhabo oo iyana shirkaan lagu qaban doono sida qorshaha yahay.