Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Soomaaliya oo seddex iyo toban sanno kaddib garsoori doonto cayaaraha FIFA.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Soomaaliya oo seddex iyo toban sanno kaddib garsoori doonto cayaaraha FIFA.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

REFXiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, ayaa hambalyo u diray guddiga garsoorka, kaddib markii ay muujiyeen shaqo wanaag dalka iyo dibad ah, waxana ay dhawaan garsoori doonaan cayaaraha isreebreebka koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab, ayaa gaarsiiyay dhambaal niyad dhis ah garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliya, kuwaas oo isagu jiro qeyb kala duwan.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

“Ka xiriir ahaan waxaan farxad la qeybsaneynaa garsoorayaasha kubbadda cagta oo muujiyay dadaal aad u sarreyo iyo dulqaad ay kusoo gaareen meesha ay manta taagan yihiin, waxaan kale oo mahadcelin u jeedinayaa xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA, oo muddo seddex iyo toban sanno kaddib noogu yeeray inaan dhexdhexaadino cayaaraha waa weyn ay qabtaan, waxaana ku rajo weeynahay in howshooda ay sii wanaagsanaato oo ay kasoo muuqdaan koobka adduunka ee la qaban doono 2018-ka”Sidaasi waxaa yiri C.qani Siciid Carab.

Kulan ciyaareedka ay dhexdhexaadin doonaan garsoorayaasha ayaa waxa uu dhexmari doonaa Tanzania iyo Malawi, lugta hore ee kulanka ayaa waxa ay ka dhici doontaa dalka Tanzania, 7-da bisha October ee isla sannadkan.

Garsoorayaasha qaban doono ayaa waxa ay kala yihiin:- Xasan Aadan Xaaji Yabarroow, Xamza Xaaji Cabdi, Saalax Cumar Abuukar iyo Bashiir Colaad Carab, waxana tani ay guul u tahay dhamaan bahda cayaaraha.

Ciyaaro noocan oo kale ah Soomaaliya inay qabato waxaa ugu dambeysay sannadii 2002, oo haatan laga joogo seddex iyo toban sanno, garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa xilligaa waxa ay dhexdhexaadiyeen kulan u dhaxeeyay Eretria iyo Suudaan, waxana ay kala ahaayeen dadka kulankaasi qabtay Cabdi Cabdulle Axmed (Basaalle), Bashiir Shire Xeydar (Bootaan), Cusmaan Cabdi Cusmaan iyo Axmed Xuseen Cumar (Axmed Keey).

 

Previous Post

Waddooyin Ku Yaalla Magaalada Minneapolis Oo Loogu Magacdaray Soomaaliya Iyo Qaar Kamid ah Halgalameyaashii Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha baarlamaanka oo la kulmay ergay ka socday Finland

Next Post
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade

Guddoomiyaha baarlamaanka oo la kulmay ergay ka socday Finland

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026
0

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In