Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed oo codsaday in la caawiyo naafada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka naafada ah ee Gaalkacyo ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socday hay’ado maxalli ah, aqoonyahanno, abwaanno Haween iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan SOWDA oo muddo ku dhow labo sano ka shaqeynayay arrimaha daryeelka dadka aan lixaadoda dhameystirneyn iyo Caawinta Bulshada kale ee liita.

Intabadan Mas’uuliyiintii Munaasabaddaas ka hadlay ayaa soo jeediyay inay lama huraan tahay in la ogaado muhiimadda uu leeyahay qofka Naafada ah, isla markaana la caawiyo iyagoo si guud ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda inay wax badan la qabtaan dadkaan naafada ah ee isku taagay in ay walaalahooda kale wax u qabtaan.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Aas Aasaha daladda Awood siinta Naafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Farax ayaa sheegay in ururka uu wax u qabtay dad naafo ah iyo kuwo aanan wax haysan sida Qoysaskii ka soo cararay colaadda dalka Yemen oo ay mucaawino u qaybiyeen.

Xoghayaha daryeelka Naafada iyo barakacayaasha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Aamina Xasan Aadan ayaa ku dheeraatay ka hadalka muhiimadda ay bulshada iyo naafaduba u leeyihiin gabdhahaan iyo wiilashaan da’yarta ah oo iyaga oo aan caawin ku filan helin u diyaar garoobay inay wax u qabtaan bulshada kale ee ka liita.

Guddoomiyaha Machadka Horseed Cabdulle Cabdi Aadan ayaa madasha ka sheegay in Machadka uu 50 arday oo indhoolayaal ah siin doono waxbarasho heer Jaamacadeed ah, isagoo ku dhiiri geliyay ururka Naafada SOWDA in ay howshooda halkaan ka sii wadaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA Basiiro Cabdi Maxamed ayaa hadal dheer kaddib ka codsatay Madaxda sare ee dowladda inay Naafada caawiyaan, lana da dajiyo sharciga xuquuqdooda siinaya naafada.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka qorsheynta oo qurbo joogta ku booriyay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka

Next Post
Wasiir Ceynte “Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona”

Wasiirka qorsheynta oo qurbo joogta ku booriyay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In