Saturday, October 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed oo codsaday in la caawiyo naafada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadka naafada ah ee Gaalkacyo ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socday hay’ado maxalli ah, aqoonyahanno, abwaanno Haween iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan SOWDA oo muddo ku dhow labo sano ka shaqeynayay arrimaha daryeelka dadka aan lixaadoda dhameystirneyn iyo Caawinta Bulshada kale ee liita.

Intabadan Mas’uuliyiintii Munaasabaddaas ka hadlay ayaa soo jeediyay inay lama huraan tahay in la ogaado muhiimadda uu leeyahay qofka Naafada ah, isla markaana la caawiyo iyagoo si guud ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda inay wax badan la qabtaan dadkaan naafada ah ee isku taagay in ay walaalahooda kale wax u qabtaan.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025

Aas Aasaha daladda Awood siinta Naafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Farax ayaa sheegay in ururka uu wax u qabtay dad naafo ah iyo kuwo aanan wax haysan sida Qoysaskii ka soo cararay colaadda dalka Yemen oo ay mucaawino u qaybiyeen.

Xoghayaha daryeelka Naafada iyo barakacayaasha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Aamina Xasan Aadan ayaa ku dheeraatay ka hadalka muhiimadda ay bulshada iyo naafaduba u leeyihiin gabdhahaan iyo wiilashaan da’yarta ah oo iyaga oo aan caawin ku filan helin u diyaar garoobay inay wax u qabtaan bulshada kale ee ka liita.

Guddoomiyaha Machadka Horseed Cabdulle Cabdi Aadan ayaa madasha ka sheegay in Machadka uu 50 arday oo indhoolayaal ah siin doono waxbarasho heer Jaamacadeed ah, isagoo ku dhiiri geliyay ururka Naafada SOWDA in ay howshooda halkaan ka sii wadaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA Basiiro Cabdi Maxamed ayaa hadal dheer kaddib ka codsatay Madaxda sare ee dowladda inay Naafada caawiyaan, lana da dajiyo sharciga xuquuqdooda siinaya naafada.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka qorsheynta oo qurbo joogta ku booriyay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka

Next Post
Wasiir Ceynte “Waxaa hadda la sameeyay hanaan wadatashi ah oo sadex bolood socondoona”

Wasiirka qorsheynta oo qurbo joogta ku booriyay inay ka qeyb qaataan horumarka dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Kigali-Rwanda):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Hague-Netherland):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo,...

Wasiirka Awqaafta XFS Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta XFS Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In