Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno uu hogaaminayo ayaa maanta isbitaal Madiina ku booqday dadkii ku dhaawacmay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiintan ayaa booqday bukaanada ku jira isbitaal Madiina, iyagoo u jeedka socdaalkooda ay ahayd u kuurgelidda xaaladda ay ku suganyihiin iyo gurmadka caafimaad ee loo fidiyay.
Agaasimaha guud ee Isbitaal Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhaawacyada qaar ay iminka xaaladooda caafimaad soo hagaageyso isla markaana dhaqaatiirta isbitaalka ay ku dadaaleen baxnaaninta caafimaadka dhawacyadaasi
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa maamulka isbitaalka uga mahadceliyay gurmadka caafimaad ee ay u fidiyeen, waxaana uu intaa ku daray in xaaladda bukaanada uu mid mid u wareystay, ayna ka warqabi doonaan xaaladooda nololeed.
Dhaawacyada uu maanta booqday Madaxweyne ku-xigeenka Galmadug ayaa maalmo kahor ku soo dhawacmay degmada caabudwaaq ee gobolka Galgaduud kaddib dagaallo halkaasi ka dhacay oo ay ku dhiteen tiro dad ah, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.