Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Xubno Bulshada Ka Tirsan Kula Kulmay Xaafadaha Gaalkacyo Qaarkood “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Xubno Bulshada Ka Tirsan Kula Kulmay Xaafadaha Gaalkacyo Qaarkood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho qaadatay mudo todobaad ah ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta booqasho ku tagay xaafadda Dahraan ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Suldaan C/nuur Sheekh Muuse iyo Ugaas C/casiis Axmed Cilmi oo ku hadlayey magaca dadka deegaanka ayaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo dhaweeyey xaafada Dahraan iyo gobolka Mudug guud ahaan waxaana ay aad u ammaaneen kormeerka u kuur-gelidda ah ee uu ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay ku nool yihiin dadka uu metello si uu u ogaado hormarka,xaaladda ay ku sugan yihiin iyo baahida ay qabaan si wax loogu qabto.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in kormeerka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay degen yihiin bulshada uu metello ay qeyb ka tahay gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday oo ah metelaadda shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay in kormeerkiisu la xiriiro sidii uu u ogaan lahaa xaaladda iyo hormarka ay ku sugan yihiin dadka uu metello islamarkaana uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Towfiiq iyo kan gobolka Mudug si uu ogaado baahida dhabta ah ee daaganka iyo waxyaabihii horey u qabsoomay.

DSC_0425 DSC_0435 DSC_0440 DSC_0466 DSC_0498 DSC_0501 DSC_0524

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In