Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Xubno Bulshada Ka Tirsan Kula Kulmay Xaafadaha Gaalkacyo Qaarkood “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo Xubno Bulshada Ka Tirsan Kula Kulmay Xaafadaha Gaalkacyo Qaarkood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo booqasho qaadatay mudo todobaad ah ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta booqasho ku tagay xaafadda Dahraan ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Suldaan C/nuur Sheekh Muuse iyo Ugaas C/casiis Axmed Cilmi oo ku hadlayey magaca dadka deegaanka ayaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo dhaweeyey xaafada Dahraan iyo gobolka Mudug guud ahaan waxaana ay aad u ammaaneen kormeerka u kuur-gelidda ah ee uu ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay ku nool yihiin dadka uu metello si uu u ogaado hormarka,xaaladda ay ku sugan yihiin iyo baahida ay qabaan si wax loogu qabto.

Related posts

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS

December 30, 2025
Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Dowladda Shiinaha oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

December 30, 2025

Wasiirudowlaha caafimaadka Puntland Mudane C/laahi Jaamac Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in kormeerka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sameynayo deegaannada iyo degmooyinka ay degen yihiin bulshada uu metello ay qeyb ka tahay gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday oo ah metelaadda shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay in kormeerkiisu la xiriiro sidii uu u ogaan lahaa xaaladda iyo hormarka ay ku sugan yihiin dadka uu metello islamarkaana uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Towfiiq iyo kan gobolka Mudug si uu ogaado baahida dhabta ah ee daaganka iyo waxyaabihii horey u qabsoomay.

DSC_0425 DSC_0435 DSC_0440 DSC_0466 DSC_0498 DSC_0501 DSC_0524

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS

December 30, 2025
0

Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Shacabka BFS ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Dowladda Shiinaha oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa si weyn oo buuxda u xaqiijisay garab istaagkeeda midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda...

Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Mareykanka oo shaaciyey inaysan waxba iska badalin siyaasaddeeda Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay...

Magaalooyinka Dalka oo si weyn looga dhigay dibad baxyo ka dhan ah Israiil

Magaalooyinka Dalka oo si weyn looga dhigay dibad baxyo ka dhan ah Israiil

December 30, 2025
0

Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Israa’iil  ay ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In