Sunday, November 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 minutes ago
in Wararka
0
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo dhawaan lagu sameeyay dib-u-dhis iyo casriyeyn, laguna soo kordhiyay qaybo cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada Isgaarsiinta iyo Boostada.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaraddu, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda, siyaasadaha lagu hagayo iyo dadaallada ay ugu jirto hirgelinta nidaam casri ah oo dijitaal ah, kaas oo kor u qaadaya adeegyada isgaarsiinta dalka.

Related posts

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal iyo mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Boostada Adduunka (UPU), iyo mashruuca isku-xirka dijitaalka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ujeeddadiisu tahay horumarinta is-dhexgalka suuqa dijitaalka ee gobolka iyo kordhinta helitaanka adeegyada isku-xirka ballaaran ee internet-ka (Broadband).

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in u-guuridda nidaamka dijitaalka ah ay tahay isbeddel muhiim ah oo dalka ka socda, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in Wasaaraddu ay yeelato awood farsamo iyo shaqaale ii u diyaarsan ka jawaabidda baahiyaha iyo caqabadaha ka dhasha horumarka teknoolojiyadda.

Mudane Xamsa, waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo nidaamka isgaarsiinta dalka, lana helo hannaan isku xiran oo lagu maareeyo adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta, si loo yareeyo khataraha dhanka amniga dijitaalka ah, loona xaqiijiyo adeegyo ammaan ah oo la isku halleyn karo.

Sidoo kale, waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam internet oo dowladdu maamusho ama bixintiisa ay ku jirto hannaan mideysan oo dowladdu hagto, si loo xoojiyo amniga, loona ilaaliyo xogta iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay habsami-u-socodka shaqada iyo bilicda xarunta Wasaaradda, isaga oo tilmaamay in goob shaqo oo hagaagsan ay dhiirrigeliso shaqaalaha, korna u qaaddo hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.

 

 

 

Previous Post

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ ๐ข๐ฒ๐จ ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ

November 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo...

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

Golaha Wakiillada Galmudug oo loo furay tababar aqoon kobcin ah

November 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug Xuseen Maxamed Nuur (Dhagawayne) ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan...

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, khudbad...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

November 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In