Heyโadda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka bixisay agabka aan cunnada ahayn (NFIs), oo ay ka mid yihiin bacaha roobka, maro-kaneecooyinka iyo agabyo kale oo muhiim u ah qoysaska barakacayaasha ah iyo dadka nugul, si loo daboolo baahiyahooda aasaasiga ah.
Gargaarkan ayaa goobta lagu bixinayay waxaa kormeer ku tegay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee degmada Baydhabo, Cadow Aadan Nuur, xariiriyaha Arrimaha Gargaarka ee Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, iyo La-taliyaha Ka-jawaabista Degdegga ah iyo Soo-kabashada ee Heyโadda SoDMA, Muqtara Sheekh Xuseen.











