Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda ayaa maanta kormeeray xarun lagu tababarayo haween ku dhaqan dhaqan waaxyaha kala duwan ee degmada, kuwaasi oo la barayo farsamo ay ku shaqeysan karaan.
Haweenkan xirfadaha kala duwan labarayo ayaa gaaraya ku dhawaad 30, kuwaasi oo la barayo xirfado isugu jira tolista dharka iyo farshaxanka, kaasi oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Maamulka Degmada Warta Nabada iyo Hay’adda Danguud oo ka shaqeysa horumarinta degmooyinka gobolka, waxaana tababarka uu socon doonaa muddo labo bil ah.
Qaar ka mid ah haweenka ka faa’iideysanaya tababarkani loogu abuurayo xirfado ay ku shaqeystaan ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin ka faa’iideysiga tababarkaan.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Yaasin Nuur Ciise ayaa sheegay in kan Maamul ahaan ay xil iska saareen sidii xirfado ku shaqeystaan ay ugu abuuri lahaayeen Haweenka aan haystan wax shaqo ah.
Guddoomiye Yaasin ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha kale inay kaalin ka geystaan sidii haweenka loogu abuuri lahaa xirfado ay ku shaqeystaan, taasi oo ay noqoneyso mid ay ku maareeyaan noloshooda.
Dhanka kale waxaa waaxyaha degmada Warta Nabadda ka socda olole nadaafadeed oo lagu soo celinayo bilicda caasimadda.