Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad lagu soo dhaweynayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo lagu qabtay Dalkaas “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xaflad lagu soo dhaweynayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika oo lagu qabtay Dalkaas “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna soo dhaweynayay Safiirka ay Dowladda Soomaaliya u magacaawday Koonfur Afrika Mudane Jamaal Maxamed Barrow ayaa lagu qabtay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Xafladan oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Safaaradda, wafuud ka kala yimid Gobolada Westren Cape, Limpopo, Eastren Cape Gobolka Guating, bulshada qeybaheeda kala duwan ganacsato, waxgarad, haween iyo Arday  kuwaasoo ku faraxsanaa in Dowladda Soomaaliya ay mar kale soo magacawday Danjire matala Dalkeena.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay oo qudbado ka jeediyay madasha ayaa soo dhaweeyay una duceeyay Safiirka cusub, iyagoo sidoo kale ku gubaabiyay waxbaqashada dhibaatooyinka Soomaalida ee Koonfur Afrika.

Sidoo kale Qunsalka Safaaradda Mudane Maxamed Cali Mire ( Nabadoon) ayaa ugu horeyn illah uga baryay inuu ku guuleysiiyo jagada loo soo idmaday, isagoo dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika ka codsaday inay la shaqeeyaan Safiirka cusub iyo Safaaradaba.

“Safiirka waxaan ugu hambalyaynaynaa jagadaas loo soo magaacaabay, waxaana Illahay uga baryaynaa inuu ku guuleysiiyo, waxaa intaas raacda oo anaga nagala rabaa in dhibkaas aad sheegaysaan wax laga qabto, asagane ugu fududaato shaqadaasi, Dibloomasiyiinta Safiirka iyo Safaaradda” ayuu yiri Qunsulka.

Ugu dambeyntii Safiirka ayaa isna dhankiisa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xafladan ku dadaalay sida ay u qabsoomi lahayd ugu mahadceliyay, waxa kale uu sheegay in Safaaradan ay Jaaliyadda Soomaaliyeed dhaqaalaheedii galisay, isagoo sidoo kale mahadcelin u jeediyay howlwadeenadii Safaaradda.

Sidoo kale Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa Jaaliyadda ka codsaday in ay sii laba jibaaraan la shaqeynta Safaaradda, isagoo dhankiisa ballanqaaday inay Safaaradda sameysay koox u adeega Jaaliyadda uuna Safaaradda hiigsiga 2016 ka ay dhulka Safaaradda ay Soomaaliya yeelan doonto.

“Safaaradan laba arin ayaa laga rabaa, arinta kowaad inay kobciso xiriirka Soomaaliya iyo South Africa, waxaa kaloo laga rabaa inay u adeegto Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee Souh Africa, Safaaradaan waxay matalaysa Dowladda Soomaaliyeed, waxay u adeegaysa Jaaliyadda Soomaaliya, waxaana iska leh Jaaliyadda Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Danjiruhu.

Inkastoo dhibaatooyinkii u badnaa dilalka iyo boobka ganacsatada Soomaaliyeed ee Koon Afrika yaraaday hadane waxaa jira dhibaatooyin xaga sharciyada ee ay Soomaalida ka cabanayaan.

DSCN0007 DSCN9870 DSCN9871 DSCN9874 DSCN9907 DSCN9921 DSCN9925 DSCN9931 DSCN9936 DSCN9945 DSCN9947 DSCN9948 DSCN9950 DSCN9954 DSCN9959 DSCN9962 DSCN9965 DSCN9972 DSCN9982 DSCN9987 DSCN9994 DSCN9999

WD C/qaadir Axad,

Sawir Qaade, Qorshe iyo Cumar Kiyow

Previous Post

Maamulka degmada Warta Nabadda oo dhiiri geliyay haween la barayo xirfado ay ku shaqeystaan “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In