Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo deeq dawo ah ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Balcad

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo deeq dawo ah ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa deeq dawo ah ku wareejiyay maamulka degmada Balcad si loogu daweeyo dad uu soo ritay cudurka Kolooraha ama daacuun caloolaha oo ka dillaacay deegaan ka tirsan degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa deeqdan dawada ah oo ka timid dowladda Sucuudiga soona marsiisay wasaaradda caafimaadka ku wareejiyay gudoomiyaha degmada Balcad Maxamed Maxamuud Saneey, wuxuuna sheegay guddoomiye Guudlaawe in dawadan la wada gaarsiin doono dhamaan degmooyinka gobolka Sh/dhexe.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

“Qeybtii naga soo gaartay dawadii ka timid dalka Sucuudiga ee wasaaradda caafimaadka ay nagu soo wareejisay waxaan u qeybinay degmooyinka gobolka shabeelaha dhexe degmo kastana qeybteeda ayaan ku wareejinaynay maantana gudoomiyaha degmada Balcad ayaan ku wareejinay qeybti degmada” ayuu yiri gudoomiye Guudlaawe.

Gudoomiyaha degmada Balcad Maxamed Maxamed Saneey oo guddoomay dawaddaasi ayaa maamulka gobolka, wasaaradda caafimaadka iyo dowladda Sucuudiga uga mahadceliyay dawadaasi oo uu sheegay in la soo gaarsiiyay waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.

Previous Post

Dalalka Hungary iyo Croatia oo isku maan dhaafsan qul qulka qaxootiga

Next Post

Madaxweynaha “Arrinta wadahadalka Somaliland meel wanaagsan ayeey mareysa”

Next Post
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”

Madaxweynaha "Arrinta wadahadalka Somaliland meel wanaagsan ayeey mareysa"

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In