Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Tababar u furtay Beeralay ka socotay 16 Tuulo oo ku talla Gobolka Shabeellaha Hoose.
Beeralayda Tababarka loo furay ayaa gaarayay 50 Ruux oo ka Shaqeeya Arrimaha Beeraha kuwaas oo la Baridoono sida ay uga faaโiidaysan karaan Xirfaddooda wax Beerashada ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Beeraha Mudane Maxamed Maxamuud oo la hadlay Beeralada Tababarka ay u fureen ayaa sheegay in looga fadhiyo inay ka faaโiidaystaan fursadda ay heystaan, iyaga Oo Adeegsanaya xirfadahooda wax beerista ah, isagoo ugu baaqay inay kordhiyaan wax soo saarka dalkooda.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa sheegay in Wasaaradda ay la shaqayn Doontoo Dhammaan Beeralayda Soomaaliyeed si loga faaโiidaysto Qayraadka uu alle ku mandhaystay Dalkeenna.
Tababarkaan ayaa socon doona muddo labo maalin ah ayaa inta uu socdo Beeralayda ka qayb galaysa Waxaa la baridoonaa sida ugu wanaagsan oo ay Uga faaโiidaysan karaan Beerashada Dalagyada dalka ka Soo goโa.
Dhawaan ayay ahayd markii Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federalka Soomaaliyaย ay Tababar u soo Gaba-gabaysay Beeralay Ka timid degmada Owdhiigle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.oo Furay Beeralay