Madaxweynaha dalka Yemen Cabdulrabi Mansuur Haddi ayaa la sheegay in uu shalay dib ugu laabtay magaalada Cadan ee wadankiisa kadib 6 bilood oo uu dibadda ku maqnaa.
R/wasaaraha Yemen Khaled Bahah iyo Golihiisa Wasiirada oo todobaad kahor iyaguna gaaray magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen ayaa madaxweyne Haaddi ku soo dhaweeyay magaalada Cadan..
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Haaddi uu labo maalmood joogi doono Cadan si uu halkaasi ugu ciido, wuxuuna kadib u dhoofi doonaa magaalada New York oo uu kaga qeyb galayo shirka Qaramada Midoobay.
Dowlada madaxweyne Haaddi ayey u suurto gashay inay dib ugu noqdaan dalkooda kaddib markii ay gacan ka heleen isbaheysiga dalalka Khaliijka oo uu hogaamiyo dalka Sucuudiga kuwaasoo dib u waabiyay weerarrada ay xuutiyiintu ku soo qaadayeen magaalada Cadan.