Monday, December 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waxan beesha caalamka uga mahad celinayaa sida ay uga go’an tahay inay taageero wax ku ool ah u fidiyaan Soomaaliya”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waxan beesha caalamka uga mahad celinayaa sida ay uga go’an tahay inay taageero wax ku ool ah u fidiyaan Soomaaliya”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

New York, 28 September, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaaney dalalka beesha caalamka ee ka qeybgaley shirkii gaarka ahaa arrimaha Soomaaliya looga hadlayey ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Madaxweynaha aya sheegay in Soomaaliya ay dadaal badan u gashey sidii waddanka iyo shacabka loogu abuuri lahaa mustaqbal wanaagsan oo ku dhisan dimoqraadiyad, nabad ku wada noolaansho Soomaalida dhexdeeda iyo caalamka intiisa kale, iyo horumar sidaa darteedna ay Soomaalida u arkaan taageerada caalamka mid muhiim u ah ka guul gaarista hadafkaasi.

Related posts

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025

Shirkan gaarka ah ee heerka sare ee wada shir guddoominayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah.

Madaxda iyo wakiilada kale ee shirkan ka hadashey ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Britain, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynayaasha Uganda, Kenya,Madaxweyne ku Xigeenka Burundi, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Djibouti, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway, xubno ka socdey Mareykanka, Denmark, Finland, Australia, Baanka Adduunka iyo kuwo kale.

 

— DHAMMAAD—

 

Previous Post

Maamulka degmada Xamar weyne oo ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda degmada “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
0

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025
0

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar...

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In