Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan baroor diiq ah oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kulan baroor diiq ah oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ka dhacay xarunta degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka qayb galay marwada madaxweynaha Jamhuuriyadda marwo Sahro Cumar Xasan sidoo kale waxaa ka qayb galay gudoomiyaha degmada Xaawa kiin Maxamuud Cali iyo gudoomiyaha haweenka gobolka Jawaahir Baarqab waxaana ka qayb galay ururrada haweenka qaar ka mid ah degmooyinka gobolka.

Ujeedka isu imaatinkaan ayaa ahaa in la xasuusto dadkii ku dhintay qarax kooxaha argagixisada ah ay la beegsadeen haween nadaafada ka shaqeynayay wadada Maka al Mukarama sanadkii 2008 dii halkaa oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 15 ruux oo haween masaakiin ah u badnaa, waxaana ka soo qayb galay qaar ka mid ahaa haweenkii ku dhaawacmay iyo carruur iyana ku waayay qaraxaas bahalnimada ah hooyadii dhashay .

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

Qaar ka mid ah gudoomiyaasha ururada haweenka degmooyinka gobolka sida Waabari Hodan iyo Howlwadaag ayaa ka hadlay kulanka waxaana ay codsadeen in taageero loo muujiyo dadkii dhibku halkaa ka soo gaaray .

Gudoomiyaha degmada Waabari Xaawa kiin Maxamuud Cali iyo gudoomiyaha haweenka gobolka Jawaahir Baarqab ayaa iyana ka hadlay kulanka waxaana ay adkeeyeen in muhiimada ugu weyn ee isku imaatinka ay tahay in laga warqabo dadkii dalka iyaga oo u shaqeynaya dhibaatadu gaartay.

Ugu Dambeyntii ayaa waxaa ka hadlay kulanka marwada madaxweynaha dalka marwo Sahro Cumar Xasan waxaana ay alaah uga barisay dadkii dhintay in uu u naxariisto kuwa dhaawaca wali la jiifana uu caafiyo waxaana ay u balan qaaday in waxii loo awoodo aan laga reeban doonin dadkaas.

Previous Post

Ku simaha madaxweynaha dalka oo kulan la yeeshay saraakiisha booliiska

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In