Roobab si weyn loogu diirsadey ayaa ka da’ay nawaaxiga degmada Xuddur oo ay jirtay abaar baahsan iyo biyo la’aan.
Dadka iyo duunyada ayaa aad ugu diirsaday roobabka oo socday saacado badan oo gelinkii dambe ee shalay ah islamarkaana xareedda waray dhul daaqsimeed aad u ballaaran..
Jawiga magaalada Xudur ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u kululaa, waxana ceelasha lagu arkayey xoolo badan oo isugu jira Geel Lo’o iyo Ari kuawaas oo ka imaanayaa degaano fog fog oo hoos yimaada degmada xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.
Raxamadaan Alle ayaa kusoo beegmeysaa xilli dadka iyo duunyadaba ay aad ugu baahnayeen iyadoo Deyrtana ay hadda bilaabaneys.