Fanaanad da’yar oo lagu magacaabi jiray Ummu-shariif Axmed, kana tirsaneyd hobollada Qaranka Waaberi ayaa xalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Agaasimaha fanaaniinta Waaberi Maxamed Xasan Barroow ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ummu shariif ay u geeriyootay xanuun soo wajahay isla maantana lagu aasay Muqdisho.
“Ummu shariif waxay aheyd fanaanad da’yar oo dhawaan ku soo baxday barnaamijka heesha hirgalay, waxayna ka mid noqotay hobollada Waaberi, Jowhar ayeey dhawaan ka soo dhigtay barnaamij wacyigelin ah, xanuun malaariyo loo maleeyay ayaa soo ritay markii isbitaalka la geeyana wey geeriyootay” ayuu yiri Maxamed Xasan Barroow.
Fanaaniinta kooxda Waaberi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, asxaabta iyo qaraabada ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Ummu shariif oo maanta lagu aasay Muqdisho\