Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo maamulka Koonfurgalbeed ku wareejiyay gaadiid ciidan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 3, 2015
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa gaadiid nuuca ay isticmaalaan booliska ku wareejiyay maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, gaadiidkaasi oo qeyb ka ahaa kuwa dhawaan dowladda Japan ay ku wareejisay taliska booliska Soomaaliyeed, si loogu adeego shacabka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ayaa uga mahadceliyay taliye ku-xigeenka ciidanka booliska deeqda gaadiidka ah ee uu maamulka ku wareejiyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in taliska booliska uu markasta ka shaqeynayo sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga guud ee dalka, isla markaana ciidanka booliska ee maamul iyo kuwa heer Qaran ay isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga.

Dhanka kale taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay demada afgooye ee Gobalka shabeelaha Hoose gaar ahaan xarunta saldhiga booliska, halkasi oo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka oo uu ka xogwareystay xaaladda ay ku suganyihiin.

Taliye ku-xigeenka ayaa sidoo kale tegay dugsiga sare ee degmada Afgooye,  halkaasi oo ay ka socotay bixinta mushaaraadka ciidanka booliska, waxaana taliye ku-xigeenku bogaadiyay howlaha ay ciidanka booliska u hayaan shacabka ku dhaqan degmada Afgooye, isagoo kula dar daarmay inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa shacabka, isla markaana ay muujiyaan dulqaad.

Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ciidanka booliska goob waliba uu ka howlgallo loogu geeyo mushaaraadkooda, si loo xoojiyo howlaha ay bulshada ugu adeegayaan.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo tababar u furay howlwadeenno caafimaad

Next Post

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo tababar u furay howlwadeenno caafimaad

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In