Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliska oo maamulka Koonfurgalbeed ku wareejiyay gaadiid ciidan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa gaadiid nuuca ay isticmaalaan booliska ku wareejiyay maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya, gaadiidkaasi oo qeyb ka ahaa kuwa dhawaan dowladda Japan ay ku wareejisay taliska booliska Soomaaliyeed, si loogu adeego shacabka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose maamulka Koonfurgalbeed ee dalka Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ayaa uga mahadceliyay taliye ku-xigeenka ciidanka booliska deeqda gaadiidka ah ee uu maamulka ku wareejiyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026

Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in taliska booliska uu markasta ka shaqeynayo sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga guud ee dalka, isla markaana ciidanka booliska ee maamul iyo kuwa heer Qaran ay isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga.

Dhanka kale taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay demada afgooye ee Gobalka shabeelaha Hoose gaar ahaan xarunta saldhiga booliska, halkasi oo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka oo uu ka xogwareystay xaaladda ay ku suganyihiin.

Taliye ku-xigeenka ayaa sidoo kale tegay dugsiga sare ee degmada Afgooye,  halkaasi oo ay ka socotay bixinta mushaaraadka ciidanka booliska, waxaana taliye ku-xigeenku bogaadiyay howlaha ay ciidanka booliska u hayaan shacabka ku dhaqan degmada Afgooye, isagoo kula dar daarmay inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeysa shacabka, isla markaana ay muujiyaan dulqaad.

Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ciidanka booliska goob waliba uu ka howlgallo loogu geeyo mushaaraadkooda, si loo xoojiyo howlaha ay bulshada ugu adeegayaan.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo tababar u furay howlwadeenno caafimaad

Next Post

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo tababar u furay howlwadeenno caafimaad

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

August 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan diyaar-garowga iyo wax ka...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

August 31, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In