Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu soo dhaweynayay, isla markaana shahaado sharaf lagu gudddoonsiinayay ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ahaa ganacsadihii Markabka ugu deeqay in kumanaan Qaxooti Soomaali iyo Yameniin ah oo ku xanibnaa dalka Yeman laga soo qaado, ayna soo qaban qaabiyeen Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Ugaasyo, culimaa’udiin, ganacsato, ururada bulshada rayidka, haween iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo mahadcelin balaaran u jeediyay ganacsade Cabdi Cali Faarax sida uu ugu gurmaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xanibnaa, waxaana ay intaa ku dareen in bulshada Soomaaliyeed aysan iloobi doonin abaalka uu u galay.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahadceliyay Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen sida ay ugu garteen inay shahaado sharaf guddoonsiiyaan, waxaana uu intaa ku daray in markasta ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa tilmaamay in Ganacsade Cabdi Cali Faarax uu yahay muwaadin ku dayasho mudan, waxaana uu baaq u diray ganacsatada kale ee Soomaaliyeed inay wax u qabtaan walaalahooda dhibaateysan.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay ganacsade Cabdi Cali Faarax, iyadoo guddigu uu mahadcelin u jeediyay suxufiyiinta ka qeyb qaadatay samata bixinta qaxootiga Yemen laga soo daabulay raacay markabka.

Previous Post

Islaamka iyo Dowladnimada

Next Post

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

Next Post
Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In