Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gudiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma,ayaa maanta Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhashay dalka Mozambique,  u magacowday wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya isla markaana madax u ah howlgalka AMISOM kaas  oo lagu bedeley  Ambassador Maman Sambo Sidikou oo u dhashay  Niger,ilaa   2010 ka.

Ambassador Madeira ayaa horey u soo qabtay xilal dhowr ah oo uu kamid yahay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan la dagaalanka argagaxisada uu fadhigiisu yahay magaalada  Algiers ee dalka Algeria, wuxuna hadda hayay wakiilka midowga Afrika u qaabilsan arimaha jabhadda LRA ee dagaalka in muddo ah ka waday dalka Uganda iyo wadamo kale laba soo bilaabo 2011-2014.

Related posts

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026

Francisco Madeira ayaa sidoo kale waxaa uu noqotay danjiraha dalka Mozambique u fadhiyi jirey xarunta Midowga Afrika intii u dhaxeysay sanadkii 1984 -1989, iyadoo sidoo kale la taliye dhanka diblomaasiyadda ah u noqoday madaxweynaha wada hadaladii nabadeed ee dowlada ay lagashay ururka mucaaradka ah ee RENAMO, taas oo ka dhalatay in heshiis magaalada Rome bishii August  sanadkii 1992.

Magacaabistan ayaa imaanaya xilli Midowga Afrika isku dayayo in uu nabad ku soo dabaalo Soomaaliya isla markaana lasii xoojiyay guulaha laga gaaray kooxaha argagaxisada ah,si wadada loogu xaaro doorashooyin guud oo dalka ka qabsooma markan la gaaro sanadka 216-ka.

Ambassador Madeira ayaa waxaa waajibaadkiisa shaqo waxaa kamid ah in si dhow ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya, urur goboleedka IGAD,xafiiska siyaasada ee Qaramada Midoobay,Midowga Yurub iyo dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Guddoomiyaha gudiga  Midowga Afrika ayaa amaan u soo jeedisay Ambassador Sidikou shaqadii uu Soomaaliya ka qabtay mudadii uu xilka hayay ,taas oo ay kamid tahay is balaaranta ay sameeyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwo Midowga Afrika ee AMISOM.

Amassador Francisco Madeira  ayaa ku dhashay magaalada Beira ee dalka Mozambique  4 April  sanadkii 1954. Waxaa uu bartay xiriirka caalamka Jaamacad ku taala magaalada  Daaru Salaam ee Tanzania, isagoo sidoo kale shahaadada sharciga ka qaatay Jaamacada Eduardo Mondlane oo ku taala magaalada Maputo ee caasimadda dalka Mozambique.

 

Previous Post

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026
0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweynaha JFS oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QAHIRA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In