Ciyaaryahanno ka socda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Ciyaaraha Isreeb Reebka Koobka Adduunka uga qayb galaya dalka Itoobiya ayaa 2-0 looga Adkaaday kaddib ciyaar Magaalada Adis-Ababa ku dhexmartay kooxda iyo xulka Niger.
Wajiga hore ee Ciyaarta ayaa waxa ay ku soo dhammaatay Bar-baro gool la’aan ah, hasa yeeshee Moussa Maazou oo Niger u cayaarayay, ayaa Xulka Soomaaliya ka dhaliyay daqiiqadihii 58-aad iyo 61-aad laba gool oo deg deg ah.
Cabdicasiis Maxamed Faarax oo u hadlay Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya oo jooga dalka itoobiya ayaa sheegay in ciyaartooyda xulka kubadda cagta ay iska khasaariyeen dhowr fursado, ayna Niger ka faa’ideysteen fursadahii ay heleen.
Qaybta labaad ee Ciyaarta ayaa lagu Ciyaaridoonaa waddanka Niger 13’ka bishaan October, waxaana labada waddan kii soo gudba wareegga Xiga uu la ciyaari doonaa xulka Cameroon.
Ciyarahaan la dheelayo ayaa waxa ay qayb ka yihiin Isreeb Reebka Koobka Adduunka ee Sannadka 2018 lagu Qaban doono Waddanka Ruushka.
Dhanka kale kooxda xulka kubadda Cagta Jabuuti ayaa guul darro kala kulantay xulka Swaziland kaddib markii ay dheeleen Ciyaar qeyb ka ahayd Is Reeb Reebka koobka Adduunka.