Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u direy hambalyo ku aaddan maalinta calanka Soomaaliya , ayadoo loo dabaal degayo sanad guuradii 61aad ee sameynta Calamka.
“Halkaan waxaan rabaa inaan hambalyo uga diro ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan , taasi oo ku aaddan maalintii la sameeyey calanka Soomaaliya” Ayuu yiri Dr.Cabdiweli Maxamed Cali
“Calankaasi waxaa uu noqday haddana yahay astaanta midnimada qaranka Soomaaliya, mar walba waxaan qabnaa rajo ah in umadda Soomaaliyeed dib isugu soo noqdaan, rajooyinkii iyo himilooyinkii ay ummadda Soomaaliyeed 60-dan sano ka hor qabeena inay u rumowdo ayaan rajeyn” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in muhiim tahay in maanta oo kale la xuso lana weeyneeyo halyaygii Maxamed Cawaale Liibaan ee isagu lahaa fikirka Calanka Soomaaliy. Sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midnimadooda iyo wada jirkooda ka shaqeeyaan , dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaallada sokeeyana layska cafiyo.