Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha: Calanku waxa uu matalaa Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nooshahay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 13, 2015
in Wararka
0
R/wasaaraha: Calanku waxa uu matalaa Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nooshahay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose taasoo lagu maamuusayay 61 sano guuradii ka soo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa ka hadlay muhiimada dal walba ay u leeyahay calankiisa iyo weliba maamuuskiisa, wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qeybgalo 61 guurada Calanka.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

“Runtii waa farxad weyn inaan maanta 61 sano kadib u dabaal dageyno maalinta calanka, weliba goobtii ugu horeysay ee laga taagay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar isaga oo intaasina ku daray in markii la sameynayay calanka iyo astaamihiisa sida xidigta ujeedadu aaney aheyn oo kaliya shantii Soomaaliyeed, balse uu matalo dhamaanba Qowmiyada Soomaaliyeed.

“Calanka sidiisaba markii la sameynayay, xidigta waxay mataleysay Soomaali Shantii loo kala qeybiyay, midabka Buluuga ahna waxaa loo ekeysiiyay cirka, waxayna macnaheedu aheyd in aanaan Xuduud uusan na kala qeybin”. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri.

“Kow iyo lixdan sano kadib iyo maanta iyo berri Soomaali astaanta na mataleyso waa Calankaas, waxa loo sameeyey-na Jamhuuriyadda kaliya ma aheyn ee waxay aheyd Qowmiyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto”.
“Soddonkii sano ee hore ee dowladnimadeena, siyaasadeena gudaha iyo mida dibedda isaga ayaa qeexay, waxaan dadka kula heshiinaynay ama umad kula dagaaleynay waxay aheyd Calankaas”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in rajada dalka ay aad u wanaagsan tahay horumar badana lagu talaabsaday, basle loo baahan yahay xilligan adag in si wadajir ah looga baxo “Anaga oo Federaal dhiseyno haddana waxaa loo baahan yahay inaan illaashano Midnimadeena, hiigsiga geeddi socodka 2016-da waa inaan wada jir uga baxno, si caalamku u arko in Soomaali ay tahay dal isku tashaday oo horumar gaaraya”.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay maalinta Calanka

Next Post

Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Next Post
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In