Akhristayaal halkani waxaan idiin ku soo gudbineynaa Sawirada safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd waddanka Ciraaq oo dib loo furay, kaddib muddo 25-sano ah, iyadoo furitaanka safaaradda ay ka Qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday xukuumadda dalka Ciraaq iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaan Safaaradda Xariga Si wada jir ah uga jaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalka Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka, Ciraaq, iyadoo halkaasi goob joog ay ka ahaayeen, Danjiraha Somalia ee Ciraaq, marwo Khadiija Al-Makhsuumi Soomaaliya ee dalka Kuwait, Maxamed Sheekh Amiin, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Somalia, C/qaadir Cosoble Cali, wasiirka bartoolka, Maxamed Mukhtaar iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.