Munaasabad deeq buugaag waxbarasha ah oo ka timid dalka dibadiisa looguna talo galay in ay wax ku bartaan carruurta agoonta ee ku jira Xerada Ugaas Qaliif ee magaalada Beledweyne ayaa maanta waxaa lagu qabtay xaruntaasi.
Dadkii kasoo qaybgalay waxaa kamid ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Qaliif, odoyaasha dhaqanka, ehelada carruurta agoonta ah iyo marti sharaf kale.
Deeqdaan buugaagta ah ee waxbarashada ku taallo ayaa waxaa soo dhiibay urur dhallinyaro ah oo gartay in ay caawiyaan carruurta agoonta, waxaana munaasanbada ka hadlay oo Ugaas Cabdiraxmaana ku wareejiyay deeqda wakiilka dhalinyarada Abaal ee ka dhisan Wadanka UK Cabdi-nasir Xasan Axmad
Wakiilka Ururka dhalinyarada Abaal ee ka dhisan Wadanka UK Cabdi-nasir Xasan Axmad ayaa sheegay in deeqdan buugaagta ay ahay mid ay uga gol’leeyihin in wax lagu baro carruurta agoonta ah.
“Waxaan xuntaan gudoonsiinaynaa buugaag wax barasho oo ka kooban 2,000 kun waxaana muhiimadu tahay in aan caawinaa agoonta ugaas qaliif ku jirta.
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Qaliif oo ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay ardaydaan agoonta ah wax badan ka faa’idi doonaan buugaagtaan, isla markaana aad u wanaagsan tahay in la caawiyo carruurta.
Maamulaha Xarunta Agoonta Ugaas Qaliif Aadan Shariif Amiin ayaa ugu dambayntii ka mahad celiyay deeqdaan ka timid dalka dibadiisa.