Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Alpha Conde oo markale ku guuleystay doorashadii Guinea

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Alpha Conde oo markale ku guuleystay doorashadii Guinea
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Guinea  Alpha Conde ayaa markii labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada doorashadii ka dhacday dalka sida ay sheeciyeen gudiga doorashooyinka, lix maalin ka dib markii doorashada la soo geba gebeeyay.

Mr Conde, ayaa heley 77, cod  wareegii koowaad  taas oo la mid ah 58%  dhamaan codadkii la  dhiibtay .

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ninka lagu magacaabo Cellou Dalein Diallo, oo dhiiley qaabka doorashada u dhacday ayaa heley  31% cod, waxaana taageeriyaashiisa ugu baaqay in ay ka soo qeybgalaan dibad baxyo nabadeed oo natiijada looga soo horjeedo.

Kor joogtada ka socotay midowga Yurub  ayaa sheegay in doorashada ay tahay mid si xaq ah u dhacday inkastoo ay jireen khaladaad dhanka farsamada ah.

Musharaxiinta ayaa heysta muddo   sideed maalin ah oo maxkamadda dastuuriga ay cabashadooda ku hor keeni karnaa si cabashadooda loo dhageysto.

Si kastaba ha ahaaatee , Mr Diallo  ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in cabashadiisa uusan maxkamadda geyn doonin.

” Waxaan ugu baaqayaa musharaxiinta kale iyo muwaadiniinta dhibanaha u ah doorashadan in ay ka soo qeybgalaan mudaaharaad nabadeed si loo muujiyo khaladaadka jira,”  ayuu yiri.

Mr Diallo  ayaa tartanka ka baxay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay markaas oo uu sheegay in doorashada lagu shubtay.

Eedeymaha uu soo jeediyay ayaa waxaa kamid ah in ku dhowaad 400 oo xarumood oo codadka laga dhiibanayay ay saacado badan aan la furin iyo in sanaadiiqda qaar waraaqo been ah laga buuxiyay.

Tirada maalintii Jimcaha la sii daayay ayaa muujinaysa in 66% oo kamid ah lixda Milyan ee dadka dalka Guinea  la diiaangeliyay.

Tani ayaa ah doorashadii labaad oo si dimoqraadi ah uga dhacda dalka Guinea tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen dalka France sanadkii 1958.

Waxaana la soo wariyay in intii lagu guda jiray ololaha  doorashada ay dhaceen rabshada ay dad ku dhinteen.

 

Mr Conde ayaa madaxweyne noqday sanadkii 2010 taas oo aheyd doorashadii ugu horeysay oo dalkaasi ka dhacda kadib dagaalo labaadan sano jirsaday oo u dhaxeeyay rag ku loolamayay madaxtinimada dalkaasi.

 

Previous Post

Midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan oo soo dhoweyn u sameeyay wefdiga agaasimaha-Sawirro

Next Post

Hey’adda UNHCR oo ka warbixisay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Kenya iyo Yemen

Next Post
Hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Kenya “Dhageyso”

Hey’adda UNHCR oo ka warbixisay xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada Kenya iyo Yemen

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In