Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo ka hadlay ciidamada ay sameysanayaan dalalka bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca ee Soomaaliya oo ka hadlay ciidamada ay sameysanayaan dalalka bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo dalka Jabuuti uga qeyb galay shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika, loogana hadlayay dhismaha Cidanka heeganka dalalka bariga Afrika ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in sidoo kale  uu ka qeyb galay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee dalalka bariga Afrika, waxaana uu tilmaamay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa heegan u ah inay u gurmadaan dalalka bariga Afrika ee ee amni darrada soo wajahda.

Related posts

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal  Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in shirka dalalka bariga Afrika oo ka kooban toban dal ay Soomaaliya sanadka soo socda shir guddoomin doonto, isagoo xusay in haddii lagu guuleysto dhismaha ciidanka heeganka ee bariga Afrika ay dabooli doonaan baahiyaha xaga amniga ah ee ka jirta dalalka qaaar.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

Shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika oo muddo ku dhow saddex maalin ka socday dalka Jabuuti ayaa la isku raacay in ciidamada heeganka ay shaqadoodu bilaabi doonaan dhamaadka bisha December ee sanadkan, kuwaasi oo tiradoodu lagu sheegay inay gaareyso 25 kun oo askari.

Previous Post

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Baay oo Eedeaysane Shabaab ah Xukuntay

Next Post

Afrika oo samaysanaysa ciidamo heegan ah

Next Post
Afrika oo samaysanaysa ciidamo heegan ah

Afrika oo samaysanaysa ciidamo heegan ah

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saaka ee magaalada Baydhaba

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay xubno ka dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood ee ka haray xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee...

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee labada dal

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Moscow ee...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarradii ka dhacay dalka Kuwait

May 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda walaalaha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In