Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirkii koowaad ee golaha lagu magacaabo Madasha Wadatashiga oo lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaareen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka islamarkaana aan lagu mashquulin muran iyo faro isku taag taag oo dalka dib u dhiga, waxaana wax wanaagsan uu ku tilmaamay in dalka looga tashanayo Aayaha Dalka, taladana ay Soomaaliya u taalo, inkastoo beesha caalamka uu ku ammaanay dadaallada ay ku bixinayaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii dalka loo horumarin lahaa, waxaana uu ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay isku tanasulaan oo ay ka shaqeeyaan aayaha dalkeena.
C/kariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug oo isna ka hadlay Shirka ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirkani wax wanaagsan ay ka soo bixaan, maaddaama horumarro kale duwan uu ku tilaabsanayay dalka waqtiyadii ugu dambeeyay.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sidii dalka loo badbaadin lahaa muhiimadda koowaadna ay siiyaan maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna hadlay ayaa tilmaamay in dalka horumarro kale duwan uu gaaray, loona baahanyahay in la sii xoojiyo horumarka, waxaana uu ku baaqay in maskaxda laga saaro kala shaki.
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” oo isna hadal ka jeediyay furitaankii shirka wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee 2016-ka ayaa ka dhawaajiyay in dalka Dastuur uu leeyahay Protocol dambana aan dalka lagu dhaqi doonin, isagoo hoosta ka xariiqay in waqtigoodu uu dhamaaday saxiixayaal go’aan ka gaara masiirka dalka Baarlamaankana uu dhabarka u ridan doono wixii ka soo baxa Shirkani.
Madashani oo ay ku jiraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaaari”, Ra’iisdul Wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiirro iyo wakiillo ka socda Maamul Goboleedyada ayaa u xil saaran inay ka soo talo bixiso sida doorasho uga dhici karto Soomaaliya sannadka dambe marka ay dhammaadaan muddada Afarta sano ah ee la doortay dawladda iyo baarlamaanka Soomaaliya.