Wednesday, October 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doorta Baarlamaanka Canada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Muwaadin Soomaaliyeed oo loo doorta Baarlamaanka Canada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Xuseen ayaa loo doortay Baarlamanka dalka Canada kaas oo muddo u tartamayay in uu xilkaas qabto.

Ninka la doortay ayaa ka soo jeeda Xisbiga Mucaaradka ee Liberal isagoo laga soo doortay xafadda York South Wenton Magaalada Toronto ee dalka Canada, Axmed Xuseen waxa uu Noqonayaa muwaadinkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025

Axmed Xuseen ayaa doorashada uga adkaaday musharrixii laga soo dooran jiray Xafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsan xisbiga NDP.

Dhanka kale waxaa doorashadas ka haray musharrixiin la tartamayay Axmed Xuseen kuwaas oo aha labo musharrax doonayayna inay xilkaan qabtaan kuwaas oo iyagana aha Soomaali.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay doorashadaan iyo sida ay u dhacday iyagoo waqti wacan iyo shaqo wanaagsan u rajeeyay Axmed Xuseen oo noqday xubin ka mid ah Baarlamaanka dalkaas, iyadoo ay tahay markii ugu horraysay oo Baarlamanka Canada Dad Soomaaliyeed ay cod ku yeeshaan.

Xisbiga laga guuleystay ee Conservative-ka ayaa ah xisbi kasoo horjeeda qoxootiga ku nool dalka Canada, kaasoo soo saaray harci dhigaya in dhalashada laga qaado ciddii lagu helaa falal Argagixisanimo.
Dhanka kale, xisbiga Conservative-ka ayaa kasoo horjeeday Xijaabka ay haweenka muslimiinta ah xirtaan, madaxda xisbiga ayaana arrintaas ku sheegay jaahilnimo muddo jirtay, markii ay maqleen Xisbiyada kale ee Arrintaan ka soo horjeeda go,aannada xisbiga Conservative-ka ay qaateen inay doorashda ka qayb qaataan si loo badalo fikirkas diidaya in Niqaabka ay waheenku xirtaan.

Doorashooyinka baarlamaanka Canada ayaa waxaa 185-kursi oo kuraasta baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay, Axmed Xuseen oo ah Muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo xisbigaan uu sannadka soo socda hoggaamin doono Canada.

Axmed Xuseen ayaa ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993-kii, waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku dhameystay Jaamacadda Ottawa, isagoo ah qareen bulshada si aad ah uga dhex-muuqday waxa uuna madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Somali Community Organization.

Previous Post

Khudbadda Madaxweynaha Madasha Wadatashiga Qaranka ee Hannaanka Doorashada 2016-ka 19 October 2015

Next Post

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas “Sawirro”

Next Post
Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas “Sawirro”

Qaban Qaabada Caleema saarka Suldaan Sh. C/qani Qorane Maxamed oo ka socota balliqardhaas "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

October 22, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

October 22, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi ka kooban Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

October 21, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In