Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Jaamacadda Ummadda isagoo uu u kuur galayay sida ay u socoto waxbarashada oo madaxweynuhu siiyo mudanaan gaar ah.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Dowladda sida Wasiirka Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumada Soomaaliya Khadaro Bashiir, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof. Maxamad Axmed Jimcaale, iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu madaxweynuhu aad ugu riyaaqay sida ay u socoto howsha Jaamacadda Ummadda oo dib loo furay goor sii horeysay.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo wareegay qeybaha kale duwan ee jaamacadda ay ka koobantahay, isagoo dhageystay sida macalimiintu ay casharrada u bixinayeen, waxaana uu ku dhiiri galiyay macalimiinta in ay kordhiyaan dadaalkooda.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda ka wareystay waxbarashadooda, wuxuuna ku boorriyay in ay ku dadaalaan waxbarashada si heer ay uga gaaraan, iyagoo u riyaaqay talada Madaxweynahooda.
Intaasi kaddib madaxweynaha waxaa uu warbixin uu ka dhageystay guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Maxamad Axmed Jimcaale, taasoo ku saabsan shaqada Jaamacadda marxaladooyinkii ay soo martay, iyo qorshayaasha jaamacadda ee ku wajahan tayeenta waxbarashada.