Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha “Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha oo sheegay in dowladda ay garab taagan tahay qorshaha lagu horumarinayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, 22 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhowaan dib u hawlgashey dagaalladii sokeeye kadib.

Related posts

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay maanta, mar uu booqdey xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

“Dowladda waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobneyd Jaamacadda Ummadda, waxaana dhiirigelinayaa in lagu soo daro laamaha kale ee cilmiga ee muhiimka ah, si jaamacadda ay ula tartanto jaamacadaha kale ee dunida’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadii yarey ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay dib u hawlgashey ay sameysey horumar la taaban karo, isla markaana uu bogaadinayo dadaalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha dhow ee soo socda ay ciidammada AMISOM ee deggan dhismeyaashii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka guuri doonaan, si fursad loo siiyo in jaamacadda ay hawlaheeda ay shacabka ugu adeegeyso ugu qabato.

Madaxweynaha oo booqshada Jaamacadda ay ku wehlisey Wasiirka Waxbarashada Khadar Bashiir, ayaa halkaasi warbixino kaga dhegeystey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo qaar ka mid ah ardeyda iyo macalimiinta jaamacadda.

unnamed (1) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Daawo Sawirrada: Roob daadad wata oo ka da’ay Beledweyne

Next Post

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay

Next Post
Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho

Cudurka Dabeysha Oo Soomaaliya Laga Waayay

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In