Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shaaciyey in berri uu furmi doono kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in maalinnimada berrito  uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka.

“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in maalinnimada berrito oo Axad ah taariikhduna ku beegan tahay 25ka bisha October 2015, saacadda 9:00AM uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 7aad ee Golaha, sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa dhammaan Xildhibaannada in ay usoo diyaar garoobaan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga iyo waajibaadka dastuuriga ah ee uga abaaran xil gudashada Kalfadhigan” –ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

“Waxaa xusid mudan in Kalfadhigan 7aad ay Golaha hor yaalaan howlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudaneyaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen, waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan iney si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan si aan u amba qaadno dhameystirka howlaha nalaga doonayo inaan qabanno oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay” –ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka.

Sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka Dalka, xarafkiisa (G) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa furaya Kalfadhiyada Golaha Shacabka, waxaana Kalfadhigan 7aad Baarlamaanka laga doonayaa iney qabtaan howlo badan oo uga haray lixdii Kalfadhi ee hore, hadii uu Alle idmana Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) waxey dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah ugu soo gudbin doonaan kulammada Golaha

Previous Post

Shaqaalle la baray isbadalka cimilada oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In