Xaflada furitaan kalfdhiga todobaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka oo uu maanta so rasmi ah u furey madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa goob jooga ka ahaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka , Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, iyo xubno ka tirsan golaha xukuumadda.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay golaha shacabka 6 dii kalfadhi ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadiisa dastuuriga aheyd ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7 aad ee golaha shacabka ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha badan oo xaaladda dalka quseysa.
Madaxweynaha ayaa xubnaha Baarlamaanka waxaa uu ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhigan, waxaana uu sheegay in lixdii kalfadhi ee Baarlamaanka ay ahaayeen kuwo taariikhi ah maadaama qeyb weyn ka qaateen dowlada dhisidda Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in wax badan u qabsoomeen mudadii la soo dhaafay golaha shacabka isla markaana wax badan oo ay aheyd in ay qabtaana ka gaabiyeen.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyay marxaladaha kala duwan dalka uu marayo, isagoo carabka ku dhuftay kaalmada caalamka uu siiyo Soomaaliya.
“ Caalamku aad ayuu noo taageeray waana ugu mahadcelinaynaa wax badan ayayna na tartay,laakiin waxaad ogaataan caalamku siyaasadda in aan ka heshiino oo aan isku mid ka noqono naguma taageeri karo anaga ayaa nalaga doonayaa taasi” ayuu yiri madaxweynaha.
Khudbada madaxweynaha iyo guud ahaan xafladda furitaanka oo si toos ah looga daawanayay Telefishinka qaranka ayaa waxaa uu madaxweynuhu ka hadlay shirkii dhowaan magaalada Muqdisho lagu soo gababeeyay iyo qaabkii ay ku sameysantay madasha wadatashiga Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa soo hadlay qaatay sharciyo aad ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya uu hadda horyaala Baarlamaanka waxaana kamid ah sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo sharciga maalgashiga caalamiga ah kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwo dalka wax badan uga xiran yihiin la’aantooda.
“Waxaaan Baarlamaanka ka codsanayaa in ay dadejiyaan shuruucda oo ay shaqeeyaan habeen,maalin iyo Jimco so howsha loo dardargeliyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaatay xirirka caalamka ay Soomaaliya la leedahay kaas oo uu ku tilmaamay mid aad u soo hagaagaya maalinba maalinta ka dambeysa.
Waxaa uu madaxweynaha intaas ku daray in dhowaan magaalada Barasalis lagu soo gabagebeeyay shir looga hadlayay caawinta qaxootiga Soomaaliya sidii dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen, waxaana sidoo kale dhowaan la qaban doonaa shir looga hadlayo kor u qaadista adeegyada bulshada ee Soomaliya isla markaana uu xigi doono shir kale oo ku saabsan maalgashiga Soomaaliya.
Sawir Qaade: Ilyaas