Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maalinkii Afraad Galkacyo waxa uu kulamo kula Qaadanayaa qaybaha kiala duwan ee bulshada Galmudug, iasagoo dhanka kalana maanta kormeeray qaar ka mida xarumaha garsoorka iyo saldhigyada ciidanka booliiska Galmudug.
Kulamadan uu madaxweyne Guuleed la qaadanayo bulshada ayaa waxaa Ku wehliya xubno ka tirasan golaha wasiirrada iyo barlamaanka Galmudug iyo madaxweynihii hore ee Galmudug S/gaas Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
Waxaana Madaxweynaha Saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaar ah uu la qaatay Culimo’diinka odayaasha dhaqanka ururada Haweenka, ganacsatada dhalinyrada iyo saraakiisha ciidamada qaybahooda kala duwan.
Dhamaan Kuladamada Madaxweyne Cabdi kariin iyo bulshada ay wada qaateen ayaa ah kuwo looga hadlayo sidii Maamulku iyo Shacabku iskaga gaashanlahaayeen adkaynta Arimaha Amaanka,iyo qaadista Jidgooyooyinka
Sharci Darada ah ee yaala qaar ka mid ah Deegaanada Galmudug.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa Radio Muqdisho uga Warbixiyay qodobadan ay Ka Wada Hadleen Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo bulshada qeybahooda kala duwan waxaana uu xusay in
ujeedka kulamadaani ay yihiin kuwo is xog wareeysi ah looga na arinsanayo arimo dhowra ah oo ay ka mid ahaayeen isku dhafka ciidamada Galmudug iskaashi in laga sameeyo arimaha adkeeynta amaanka iyo qaadista jidgooyinka sharci darada ah iyo sidoo kale in koontaroolka weyn ee ku yaala dhanka koofureed ee magaalada Galkacyo uu u noqanlahaa mid soo gala Gacanta dowlada Galmudug maadaama haatan ay gacanta ku hayaan maleeshiyo beeleed
Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo ku Hadlayay Magaca Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa Sheegay in Kulanka Madaxweyne Guuleed la qaateenQodobadiii ay ka Wada Hadleen ahaayeen kuwo ku dhamaaday is
Faham dhawaana Go’aamo ay Soo bixi Doonaan
Kulamadaan ayaa ah kuwii ugu balaarnaa ee uu madaxweynaha dowlad Gobaleedku la qaato bulshada ku nool magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka mudug qeybahooda kala duwan iyo saraakiisha ciidamada kala
duwan ee Galmudug.