Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka X.D.S “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka X.D.S “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidanka qalabka sida” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey Xerada Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo tababarro ay uga socdaan cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana uu taliyuhu kormeeray dhammaan qeybaha kala duwan ee xerada ay ciidamadu tababarka ku qaataan, isagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha tababarka bixinaysay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden ayaa uga mahadceliyey saraakiisha tababarka bixinaysa sida ay uga go’an tahay in ay soo saaraan ciidan leh tayo iyo tababar sare, isagoo u sheegay ciidamadii tababarku u socday in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan difaaca dalkooda Hooyo, dhinaca kalena ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in gacan ay ka geystaan dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

“Tababarada aad qaadanaysaan waa qayb muhiim ah oo kamid ah dib-u-habaynta iyo tayayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo ciidanka qaranka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo intaas raaciyey in Taliska ciidanka xoogga Dalka uu muhiimadda koowaad siinayo sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeya, kana madax banaan eex iyo cid gooni ah.

“Tababarada ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino tababarada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee ay u idman yihiin” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed.

—DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaadhigga X. F. Soomaaliya

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7) 1 (8) 1 (9)

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “Sawirro”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo daah furay cilmi baaris ku saabsan doorka bulshada

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”

Wasiirka arrimaha gudaha oo daah furay cilmi baaris ku saabsan doorka bulshada

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In