Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay ka doodista Hindise sharciyeedka maalgeshiga Shisheeye

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bilowga kulankii Baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaannada lagu hor dhaariyey Xildhibaan Liibaan Cumar Cabdiraxmaan oo bedelay Xildhibaan hore Maxamed Xuseen Nuur (Xagaafe) oo isagu iskiis xilka isaga casilay, dhaartaasi kadibna waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka laga hor akhriyey warbixin ku saabsan shirkii Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay dalka Tunisia, ayadoo warbxintaasina uu Xildhibaannada u akhriyey Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Xildhibaannada Baarlamaanku waxey guda galeen dooda sharciga Maalgashiga Shisheeye waxaana mudaneyaashu bilaabeen iney aragtidooda ku daraan sharcigan oo maanta lasoo gebagebeeyey akhrintiisa 2aad, gunta aragtida Xildhibaannaduna waxa ay kala ahaayeen hubinta shirkadaha u imaanaya maalgashiga dalkeenna, kaalinta ay dadka Soomaaliyeed ku yeelan karaan fursadaha ay ajaaniibtu ku maal gashanayaan Dalkeenna iyo mudada fasaxa ama ruqsada loo siinayo ajaaniibta maalgashadeyaasha ah.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Aadan oo Xildhibaannada ka hor hadlay ayaa faah faahiyey doorka Wasaarradaha Xukuumaddu u fasaxayo sharcigan, isagoo geesta kalena Xildhibaannada ka codsaday iney sharcigan meel mariyaan maadaama baahi weyn loo qabo.

Guddomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominayey ayaa gebagebadii ka dalbaday Guddiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo warashadaha ee Baarlamaanka in tallooyinka Xildhibaannada kusoo daraan sharcigan, dhanka kalena waxa uu xusay in kulanka ugu soo horeeya Baarlamaanka uu ku gudageli doono dooda Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka.

Sharci kasta oo Baarlamaanka la hor keeno waxa uu maraa seddex akhrin, hindise sharciyeedka maalgashiga shisheeyana waxa uu marayaa marxaladii ugu dambeysay mar hadii maanta lasoo gebagebeeyey doodiisa.

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo daah furay cilmi baaris ku saabsan doorka bulshada

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In