Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 3, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo kadib markii ay safar deg-deg ah ugu ambabaxeen magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb-galaan Aaska Marxuumiintii ku dhintay weerarkii bahalnimo ee sharwadayaasha al-Shabaab ku qaadeen hotel Suxufi, gaar ahaan Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Ganacsade Cabdirashiid Shire Ilqeyte iyo Abaaduulihii hore ee XDS Cabdikariin Yuusuf Aaden.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray Gaalkacyo waxuu kula hadlay Saxaafada waxuuna yiri “waxay naga wada istaahilaan marxuumiintaasi inaan doorkooda xusno, falka noocaan oo kale ahna wuxuu nagu sii dhiirageliyaa inaanu sii laba jibaarno dadaalki ay wadeen ee ku aadanaa samata bixinta iyo dib u dhiska dalkeena”.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

“Dagaalka lagu sifeynayo argagaxisada waa in la sii xoojiyo, isla markaana Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo ciidamada AMISOM ay xooga wada saaraan sidii loo cirib tiri lahaa argagaxisada. Haddii aan argagaxisada laga ciribtirin dalka waxey ku dhiiranayaan falalka noocaan oo kale ah. Dowladda GalMudug iyadoo kaashaneysa Dowlada Dhexe iyo Beesha caalamka waxaa ka go’an in ay deegaanadeeda ka cirib tirto argagaxisada” ayuu yiri Madaxweyne Guled.

3-Copy 12 13 62 72 81 112 113 122

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga tashanayey nidaamka maaliyadda dalka “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In