Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Doodda Kordhinta xubnaha Joogtada ah ee golaha Ammaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergada Joogtada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay oo ka qeybgashay doodda Golaha guud ee Qaramada Midoobay oo looga dooday, kordhinta xubaha joogtada ah ee Golaha Amniga, oo ay jiraan dalal dhowr ah oo dalbanaya inay la kordhiyo, maadaama haatan ay yihiin shan dal oo kaliya.

Danjire Cawaale Cali Kullane ahna ku-xigeenka Ergada joogtada Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay, ayaa qudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, marka hore waxa uu u mahad celiyey qeybta ay golaha amaanka ka qaadatey tageerida iyo horumarka Soomaaliya, sidoo kale waxaa u xusay Danjire Kullane in isbadal lagu sameeyo qaabka iyo tirada xubaha golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo aan waxna laga badalin tan iyo 1965ti. marka la eego tirade dalalka ku soo biiray Qaramada Midoobay tan iyo waqtigaa, 1965tii ay ahayd 117ban dal oo xubin ka ahaa Qaramada Middobay, maanteyna tirade dalalka xubnaha ka ah Qaramada midoobay ayaa ah 193dal, Danjire Kullane ayaa yiri wadciga dunida maantey ayaa curinaysa in wax badal lagu sameeyo tirada xubaha joogtada ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Dalalka Africa oo ay Soomaaliya ka midtahay ayaa doonaayo in la kordhiyo xubnaha joogtada ee Qaramada Midoobay, oo haatan ka kooban shan xubnood oo kala ah Ingiriiska, Maraykanka, Faransiiska, Ruushka iyo Shinaha.

Sidoo kale Danjire Kullane ayaa xusay ,8 ka mid ah 18ka Dal oo ay haatan Qaramada Midoobay ka fuliso howlaha nabadeynta iyo nabad ilaalinta caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, ay haatan ku sugan yihiin Qaarada Afrika, isla markaana 54 dal oo ka tirsan Qaaradda ay xubin ku leeyihiin , sidaas darteed waaxaa quman, in codsiga dalalka Qaaradda la tixgeliyo, isla markaana la sahlo sidii ay kursi ugu heli lahayee xubin joogta ah ee golaha Amaanka.

Previous Post

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo ka hadlay sidii loo casriyeyn lahaa howlaha baarlamaanka

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In