Qaar ka mida wasiirada dowlad Gobaleedka Galmdug oo ay wehliyeen mas’uuliyiinta maamulka Dagmada Galkacyo ee Dowlada Galmdug ayaa kormeer ku aaddan u kuurgalidda xaaladda shaqo ee xarumaha adeegga Bulshada Galkacyo waxa ay ku soo mareen xarumahaasi oo ay ka mid ahaayeen xarunta taliska qeybta boliiska Gobalka Mudug saldhigga boliiska Galkacyo xarunta maxakamadda garsooraka dagmada Galkacyo iyo xarunta tababarka xirfadaha ee Prof Caddoow oo ku taalla duleedka Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Ugu horeeyna waxa ay kormeerkooda ka bilaabeen saldhigga ciidanka boliiska dagmada Galkacyo, iyagoona markii halkaasi tageen warbixinno quseeya xaaladda maxaabiista ka dhageeystay taliyaha qeybta booliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo isagu sheegay in saldhigga iyo xabsigaba ay ku xiran yihiin maxaabiis farabadan oo isugu jira kuwa xukuman iyo eedeeysanaal aan wali la xukumin kuwaasoo uu tilmaamay in ay u xiran yihiin danbiyo kala duwan, wuxuuna ka codsaday in si dag dag ah oo loo maxkamadeeyo adeeysanayaasha ku xiran saldhigga.
Dhinaca kale taliyuhu waxa uu ka dhawaajiyay in tirada maxabiista ku xiran saldhigga iyo xabsigu ay yihiin kuwa ka farabadan tirada rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu hayo sidaa darteedna loo baahan yahay in loo helo meel intaasi ka weyn.
Xubnaha golaha wasiirrada oo kala ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose Cumar Maxamed Diiriye, wasiirka biyaha iyo korantada Cawil Goladiid, wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo xanaanada xoolaha C/laahi Cabdi Siyaad iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta hiddaha iyo Dhaqanka Daahir Faarax Fiidoow ayaa intaa kaddib waxay booqdeen Xarunta tababarka xirfadaha ee Prof Caddow halkaasi oo ay wax ka bartaan dhalinyaro farabadan oo isugu jira Rag iyo Dumar isla markaana si lacag la’aan ah uga barta xirfado kala duwan oo ay ku shaqeeystaan kuwaasi oo ay ka mid tahay dhismaha korantada makaanikada iyo faryaamada qeybahooda kala duwan waxaana intii ay xaruntaasi ku sugnaayeen ay booqdeen dhamaan qeybaha xarumahaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta hiddaha iyo dhaqanka Dowlada Galmdug mudane Daahir Faarax Fidoow oo kormeerka kadib wareysi gaara siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kormeerkoodu uu ahaa mid xog ururin ah isla markaana ay ugu kuur galayeen xaaladaha shaqo ee xarumaha adeegga bulshada ee ku yaala dagmada Galkacyo si loo ogaado ayuu yiri baahiyaha ka jira dhanka adeegga bulshada waxa uuna xusay in xogta ay ka heleen goobaha ay booqdeen ay u gudbin doonaan golaha wasiirada si looga hadlo wixii wax ka qabad u baahan.
By: C/risaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo