Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo furay shir looga hadlayo sameynta Maxkamadda dastuuriga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta furay shir looga arrinsanayo sharciga samaynta Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.

Shirkaan wada tashiga ee looga hadlayo sharciga dhismaha maxkamadda dastuuriga ah oo horyaalla Barlamanka, isla markaana maray akhrinta 1aad ayaa maanta furitaankiisa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caadaaladda, ku-xigeenkiisa, xeer ilaaliyaha guud Qaranka, guddiga garsoorka golaha shacabka Soomaaliyed iyo Wasiirka cadaladda ee maamulka Puntland.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025

Dhismaha madaxkamada dastuuriga ee dalka ayaa ah mid muhiim u ah dalkeena, isla markaana meesha ka saaraysa, kala aragti duwanaanshaha laga yaabo in ay soo kale dhexgasho  hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta kale .

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha garsoorka ee Xukumadda Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo warasyi gaar ah sii yey Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in baahi weyn loo qabo xilligan dhismaha maxkamadda dastuuriga ee dalka.

“Maxkamadda dastuurka waa mid ku qoran dastuurkeena, waana mida kala saari karta waxkasta oo dastuurka waafaqsan, waxyaabaha ay qabato waxaa ka mid ah inay dhageysato dacwooyinka dastuurka iyo waxyaabaha dastuurka lagu durayo, sidoo kale waxyaabahay isku qabsadaan dowlad goboleedyada iyo tan federaalka ah waa midda kala saari lahayd, muwaadinta xaqduuri ah ayuu leeyahay, hadii lagu xadgudbo iyada ayay shaqadeedu tahay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Maxkamadda dastuuriga ee dalka ayaa qayb wayn ka ah xoojinta hay’addaha garsoorka Soomaaliya, taas oo ah sida u kuqoran dastuurka KMG ah ee dalka in la sameeyo mar hore.

Previous Post

Ardayda Jaamacada SIU oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Next Post
Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In