Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Oo Gudagalay Akhrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka waxaa Golaha shacabka dib ugu soo celiyey maanta guddiga Warfaafinta,dhaqanka iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka waxaana Guddoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan uu soo maray marxalado kala gedisan maantase uu marayo marxaladii ugu dambeysay mar hadii Golaha ay u hor keeneen akhrinta labaad si ay Mudaneyaashu uga gutaan waajibaadkooda qaran oo ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Xoghayaha guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali oo Baarlamaanka u akhriyey qodobbada uu sharcigan ka kooban yahay ayaa micneeyey qodobbada wax ka bedelka uu
guddigooda kusoo sameeyey.

Related posts

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii u mahad celiyey guddiga Warfaafinta ee sharcigan kasoo shaqeeyey waxaana uu xusay in mudaneyaasha sharcigan dib loogu qeybiyey si ay usoo akhristaan kadibna aragtidooda ugu daraan marka la gaaro Akhrinta Seddexaad kolkaasi oo laga doodi doono.

Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Qaranka oo ka kooban 42 qodob ayaa waxaa ay Golaha Wasiirrada usoo gudbiyeen Baarlamaanka 19-March-2015 ayadoo guddiga Warfaafinta ee Baarlamaankana si rasmi ah loogu wareejiyey 17-June-2015   kolkaasi oo uu Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) akhrinta koobaad u hor tagay Baarlamaanka si waafaqsan qodobka qodobka 44aad ee
xeer hoosaadka Golaha Shacabka, si sharcigan uu dhaqan gal u noqdana waxa uu u baahan yahay iney soo ansixiyaan Baarlamaanka deetana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga
ah.

Previous Post

Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Diyaarad Ku Burburtay South Sudan “Sawirro”

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka...

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In