Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka Oo Gudagalay Akhrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Saxaafadda Qaranka waxaa Golaha shacabka dib ugu soo celiyey maanta guddiga Warfaafinta,dhaqanka iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka waxaana Guddoomiyaha Guddigaasi Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan uu soo maray marxalado kala gedisan maantase uu marayo marxaladii ugu dambeysay mar hadii Golaha ay u hor keeneen akhrinta labaad si ay Mudaneyaashu uga gutaan waajibaadkooda qaran oo ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Xoghayaha guddiga Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali oo Baarlamaanka u akhriyey qodobbada uu sharcigan ka kooban yahay ayaa micneeyey qodobbada wax ka bedelka uu
guddigooda kusoo sameeyey.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa gebagebadii u mahad celiyey guddiga Warfaafinta ee sharcigan kasoo shaqeeyey waxaana uu xusay in mudaneyaasha sharcigan dib loogu qeybiyey si ay usoo akhristaan kadibna aragtidooda ugu daraan marka la gaaro Akhrinta Seddexaad kolkaasi oo laga doodi doono.

Hindise Sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Qaranka oo ka kooban 42 qodob ayaa waxaa ay Golaha Wasiirrada usoo gudbiyeen Baarlamaanka 19-March-2015 ayadoo guddiga Warfaafinta ee Baarlamaankana si rasmi ah loogu wareejiyey 17-June-2015   kolkaasi oo uu Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) akhrinta koobaad u hor tagay Baarlamaanka si waafaqsan qodobka qodobka 44aad ee
xeer hoosaadka Golaha Shacabka, si sharcigan uu dhaqan gal u noqdana waxa uu u baahan yahay iney soo ansixiyaan Baarlamaanka deetana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga
ah.

Previous Post

Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Diyaarad Ku Burburtay South Sudan “Sawirro”

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In