Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Kubai Iringo, waxayna ka wada hadleen horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya iyo xoojinta Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, si uu u noqdo hannaan muhiim ah oo lagu xaqiijinayo mudnaanta iyo danaha ay labada dowladood wadaagaan.
Soomaaliya iyo Kenya oo ah dalal deris ah, isla markaana xubno ka wada ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa ku howlan dhisidda xiriir iskaashi, kaas oo horseedaya natiijooyin wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan shucuubta labada dal.











