RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Abubakar Sherif, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo), ayaa qaabilay Mudane Salim bin Habib bin Salam Al Amiri, Safiirka Dowladda Cumaan u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Cumaan, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka ganacsi iyo sidii loo abuuri lahaa fursado ganacsi oo cusub oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada labada dal.












