Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Maantay La Kulmay dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Ku xigeenadoda
waxaana ujeedka Kulankani uu ahaa Kulan isbarasho ah maadama Gudoomiyaha Gobolku dhawaan Xilka la Wareegay islamarkaana uu doonayo in uu dar dar galiyo howlaha baaxada leh ee laga sugayo.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir iyo Ku xigeenadoda waxaana aad Looga hadlay dardargalinta Howlaha Maamulka Gobolka Banaadir, waxaan Kulanka Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.