Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ruushka Oo Hakiyay Duullimaadyadii Masar Iyo Britain Oo Dalxiisayaasheeda Daadgureeneysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ruushka Oo Hakiyay Duullimaadyadii Masar Iyo Britain Oo Dalxiisayaasheeda Daadgureeneysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

M.weynaha Faransiiska Vladimir Putin ayaa hakiyey dhammaan duulimaadyadii ay diyaaradaha Xamuulka ee dalkiisa ku tagi lahaayee dalka Masar, ayada oo baarayaashu ay weli ku howlanyihiin hubinta in bam uu soo riday diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday dalka Masar toddobaadkii la soo dhaafay iyo in kale.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa si deg deg ah u qaatay go’aankan kadib markii madaxa ciidamada ammaanka dalkaas ee FSB Alexander Bortnkov uu ku talo bixiyey in duulimaadyada la joojiyey inta laga go’aaminayo sababta rasmiga ah ee soo ridday diyaaradda dhacday sabtidii oo ay ku dhinteen 224 qof.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Russia ayaa horey ugu gacan seeray oo ay ku tilmaamtay warar aan jirin hadallo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo ahaa in kooxda Daacish ay bam saartay diyaaradda.

Afhayeen u hadlay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu ku amray dowladda inay ka shaqeyso sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahayaeen dadka Ruushka ah ee weli dalxiiska u jooga badda cas.

Sidoo kale dowladda Pritain ayaa qaadatay go’aan ay ku soo daadgureeneyso dalxiisayaasheeda jooga dalka Masar, Iyadoo hadda la bilaabay diiwaan galinta dalxiisayaasha waddankaasi ku sugan.

Previous Post

Wasiirka amniga Galmudug oo tababar u soo xiray ciidamo booliis ah “Sawirro”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Dalka+Sawirro

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Dalka+Sawirro

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Dalka+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In